Sergio Ramos oo fariin murug leh u diray dadka weerarada ka gaysta isbitaalada iyo Iskuulada dalka Suuriya

(Madrid) 15 Maarso 2018 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa si murug leh uga hadlay weerarada joogtada ah ee lagu haayo isbitaalada iyo iskuulada dalka Suuriya.

Ramos ayaa si gooni ah diirada u saaray caruurta lagu weerarayo iskuulada iyo isbitaalada, wuxuuna codsaday in la joojiyo weeraradaas oo socday muddo dhan 7-sano.

Kabtan Ramos ayaa u sheegay dadka wax dilaya inay dileen wixii ay dili kareen balse haatan loo baahan yahay in labadbaadiyo caruurta.

Sergio Ramos ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“7-sano oo dhibaato iyo quus ah, intaan ka badan hala joojiyo dilka, intaan ka badan hala joojiyo askaraynta caruurta, intaan ka badan hala joojiyo weerarada lagu qaadayo iskuulada iyo isbitaalada, caruurtu waxay u baahanyihiin in loo rumeeyo riyadooda kadib 7-sano oo burbur ay ku jirto Suuriya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close