Kadib Chelsea, Messi oo doonaya in lagu soo aadiyo koox kale oo ingiriis ah (Waa tee?)

(Barcelona) 15 Maarso 2018 Lionel Messi ayaa xalay kala diray xiddigaha kooxda Chelsea kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Blues ciyaar ku soo idlaatay 3-0.

Messi oo ku dhibanaa inuu gool ka dhaliyo kooxda Chelsea ayeey u suurogashay sanadkaan inuu ka dhaliyo 3-gool labadii kulan ee uu ka hortagay.

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in laacibka Barcelona uu doonayo in kooxdiisa lagu soo aadiyo kooxda tababare Pep Guardiola oo ku jirta qaab ciyaareed fiican.

Messi ayaa rumaysan in Man City ay tahay wadada kaliya ee u fududayn karta kooxdiisa inay gaarto Semi Final-ka Champions League xiliciyaareed kaan.

Xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale doonaya in kooxdiisu ay sifiican u tijaabiso awooda xiliciyaareed kaan ay la soo baxday kooxda Manchester City oo kaliya hal kulan guul daraysatay horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close