Harry Kane oo go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa isla markaana doortay kooxdiisa cusub (Ma ahan Real Madrid)

(London) 15 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa kadib markii ay soo baxeen kooxo badan oo doonaya saxiixiisa.

Real Madrid ayaa si wayn loola xiriiriyay weerar yahanka reer ingiriis kaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican, Florentino Perez ayeeyna ka go’antahay inuu soo xerogaliyo Harry Kane.

Image result for Harry Kane Pep Guardiola

Balse 24 jirkaan ayaa doortay inuu sii joogo horyaalka ingiriiska isla markaana uu ku biiro kooxda Manchester City sida ay baahisay Don Balon.

Harry Kane ayaa si wayn u doonaya inuu ka hoos ciyaaro tababare Pep Guardiola oo uu rumaysan yahay inuu wax badan ka faa’iidi doono.

Manchester City ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa Harry Kane laakiin tababare Pep ayaa dareensan inuu culays kala kulmi doono Tottenham.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close