AC.Milan oo imaanshaha London uga faa’idaysanaysa inay gacanta ku dhigto xiddig muhiim u ah Arsenal

(London) 15 Maarso 2018 Kooxda AC.Milan ayaa soo gaartay magaalada London ka hor kulanka caawa ay u martin doonto kooxda Arsenal oo kulankii hore uga soo adkaatay 2-0.

Kooxda tababare Gattuso uma imaan London inay kula ciyaarto Arsenal oo kaliya, balse waxay wadahadal la gali doontaa laacib muhiim u ah Gunners.

Image result for Wilshere vs Milan

Sida ay baahisay TuttoMercato, Ac.Milan ayaa isku dayi doonta sidii Jack Wilshere ay ugu qancin lahayd inuu bilaash ugu soo dhaqaaqo dhankooda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Qandaraaska Jack Wilshere ee kooxda Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, mana jiro ilaa haatan heshiis laacibku uu ka aqbalay kooxdiisa.

Ac.Milan ayaa sidoo kale ku dadaalaysa in Jack Wilshere ay ka dul qaado Juventus oo dhankeeda si wayn u doonaysa laacibka reer ingiriis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close