Tottenham oo shaacisay mudada uu garoomada ka maqnaan doono Harry Kane

(London) 14 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Tottenham ayaa dhaawac looga saaray kulankii kooxdiisu ay 4-1 uga adkaatay axadii Bournemouth.

Cabsi badan ayaa laga muujinayay dhaawaca soo gaaray Harry Kane kaas oo xulka ingiriiska uu si wayn ugu tashanayo koobka adduunka.

Tottenham oo war rasmi ah ka soo saartay xaalada Harry Kane kadib baaritaan dheer oo lagu sameeyay ayaa sheegtay in laacibku uu garoomada ka maqnaan doono muddo dhan hal bil.

Kooxda ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay filayaan in Harry Kane uu dib ugu soo laabto garoomada kala barka bisha April, waxayna beeniyeen wararkii sheegayay in laacibku uu seegayo koobka adduunka.

Warkaan ayaa ah mid u wanaagsan taageerayaasha xulka ingiriiska kuwaas oo ka cabsi qabay in laacibku uu seego koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close