Laacib soo maray kooxo ka dhisan Premier League iyo Serie A oo BURCAD isku badelay kaddib…(Aqri Qisadan)

(England) 14 Maarso 2018. Laacib soo maray mid ka mid ah kooxaha ka ciyaara Premier League ayaa la xiray kaddib markii looga shakiyay fal burcadnimo ah taa oo keeni karta in 11 sano jeelka la dhigo.

Ismail H’Maidat oo soo maray kooxda Crystal Palace isagoo da’yar ah ayaa lagu tuhmayaa inuu Bastoolad wax ku dhacay.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Holand ayaa u soo dhaqaaqay gegada Selhurst Park isagoo ka yimid naadiga OH Leuven ee dalka Belgium 2013-dii.

Sanad kaddib Crystal Palace ayuu ka tagay isagoona ku biiray Anderlecht.

H’Maidat ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee waa waynka u saftay kooxda reer Talyaani ee Brescia isagoona intaa kaddib 3.5 ugu dhaqaaqay kooxda Roma 2016.

Image result for Ismail H’Maidat Brescia

Wiilka reer Morocco ayaa ku dhibtooday inuu wax saameyn ah ku yeesho kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga, wuxuuna ku guul darreystay inuu hal kulan xitaa ka soo muuqdo.

Kaddib heshiisyo amaah ah uu kooxaha ku dhex wareegay wuxuu ugu dambeyn sal dhigtay Westerlo, balse kooxda reer Belgium ayaa ceyrisay bishii Janaayo.

Agaasimaha Naadiga Westerlo ayaa yiri:

 Former Crystal Palace kid Ismail H'Maidat has been arrested on suspicion of armed robbery

“Bishii Janaayo ayaan ceyrinay H’Maidat kaddib falal badan oo Disibiliin xuma ah.

“Waqti dambe ayuu yimaadaa tababarka ama maba yimaado, ama wuxuu sheegtaa xanuun isagoon caddeyn ka wadan Dhakhtarka.

H’Maidat ayaa iminka lagu tuhmayaa inuu dhac ka geystay Goob lagu ciyaaro waxyaabaha qamaarka isagoona Bastoolad ugu goodiyay ninkii Lacag hayaha ka ahaa goobta.

Laacibka oo maxkamad la soo taagayo ayaa haddii ay sheekadan ku caddaato wajihi doona 11 sano oo xarig ah.

 Ismail H'Maidat spent two years at Brescia before moving to Roma

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close