Ronaldo oo ku cadaadinaya Florentino Perez in loo rumeeyo riyadiisa

(Madrid) 13 Maarso 2018 Cristiano Ronaldo ayaa cadaadis xoogan ku haaya madaxwaynaha Real Madrid si uu u gaaro hadafkiisa ka hor dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu ku cadaadinayo Florentino Perez in laga saxiixo heshiis cusub isla markaana loo kordhiyo mushaarkiisa.

Dhibaato ayaa dhex martay labada nin kadib markii Perez uu diiday inuu heshiis cusub ka saxiixo Ronaldo bilowgii xiliciyaareed kaan markaas oo Ronaldo uu ku jiray qaab ciyaareed liita.

Image result for Ronaldo Perez

Sidoo kale Ronaldo ayaa ka carooday in madaxwaynaha kooxdu uu bartilmaameed ka dhigto Neymar si uu ugu buuxiyo booskiisa taas oo kala shaki ka dhex abuurtay labadooda.

Balse soo laba kaclaynta laacibka reer Portugal iyo guulaha uu ku hogaaminayo kooxda waqtigaan ayuu uga faa’idaysanayaa in loo sameeyo waxa uu doonayo oo ah in lala simo mushaarka uu Barcelona ka qaato Messi oo haatan farqi wayn uu u dhexeeyo.

Ronaldo ayaa dhaliyay 33-gool tartamada oo dhan xiliciyaareed kaan, wuxuuna hal gool ka sareeyaa Messi, taas oo ka dhigan inuu dib u helay qaab ciyaareedkiisii wacnaa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close