RASMI: Madaxa fulinta ee mid ka mida kooxaha ugu waa weyn Yurub oo xaqiijiyey in ciyaaryahankan ku biiri doono Man City

(London) 13 Mar 2018. Agaasimaha fulinta Shakhtar Donetsk ee Sergei Palkin ayaa xaqiijiyey in Fred dhammeystiri doono ku biiriidda Manchester xagaagan.

Fred waxa uu bilihii u dambeeyey xiiso ka helayey labada naadi ee isku magaalada ah Mancehster City iyo Manchester United balse waxa uu Brazilian-ka u muuqday mid ku dhawaanaya ku biiridda Etihad.

Warbixino ayaa sheegayey in City heshiis £45million kala  gaartay Shakhtar saxiixa Fred iyada oo la qabay in uu dhammaadka ol’olehan ku biro diino saaxiibadiis.

Sida laga soo xiganayo masuulka kooxda Palkin, Jose Mourinho kooxdiisa wali fursad macquul ah ayey haysataa si ay u hesho laacibka.

“Fred waxa uu tegi doonaa bisha Juunyo. Haddii aysan ahay Manchester City, markaa waa Manchester United,” ayuu Palkin u sheegay Corriere dello Sport.

“Waxa uu diyaar u yahay horyaalka. Waxaa taas dheer waa ciyaaryahan aad u fiican, Fred waa xirfad yahan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close