Paulo Dybala oo burburiyay faraxada wiil yar (DAAWO sidii ay wax u dheceen)!

(Naples) 13 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa burburiyay farxada wiil yar kaas oo u dabaal dagayay maalinta dhalashadiisa.

Hadal haynta wargaysyada talyaaniga ayaa noqday isuucyadii u danbeeyay Paulo Dybala kaas oo guulo muhiim ah ku hogaamiyay kooxdiisa Juventus.

Paulo Dybala ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxdiisa kulamadii Lazio, Udinese iyo kulankii Champions League ee Tottenham.

Kadib bandhigiisa fiican, qoys dagan magaalada Napoli oo u dabaal dagayay dhalashada wiilkooda ayaa toortadii dhalashada ku soo dhajiyay sawirka Paulo Dybala si ay uga farxiyaan wiilkooda.

Laakiin waxaa meeshaas ka dhacay wax aysan filayn, wiilka oo ahaa taageere Napoli isla markaana aad u neceb Dybala ayaa markii uu arkay Toortadii oo uu ku sawiran yahay laacibka Juventus isla markiiba ka tuuray miiska.

Halkaan Ka DAAWO:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close