“Intaan ka badan uma ciyaari karo Arsenal” – Laacib ka tirsan Gunners oo quus taagan

(London) 13 Maarso 2018 Kabtanka kooxda Arsenal ee Per Mertesacker ayaa quus ka jooga waayihiisa Arsenal kadib markii uu sheegay in jir ahaan uu u dhamaaday.

Xiddiga reer Jarmal oo dhamaadka xiliciyaareed kaan ka fariisanaya kubadda cagta ayaa sheegay inuusan awoodin inuu garoonka u soo galo kooxdiisa.

Per Mertesacker ayaa intaa ku daray inuu aad u jeclaaday haatan inuu fariisto keydka kooxdiisa ama uu tarabuunka ka daawado ciyaaraha maadaama uusan awoodin inuu ciyaaro.

“Jirkeygu waa uu dhamaaday, Dadka dhan waxay i leeyihiin waxaa haboon intii macquul ah inaad ku raaxaysato sanadkaaga kuugu danbeeya ee adoo ciyaar yahan ah” ayuu yiri Per Mertesacker oo 33 jir ah.

“Waxaan doorbidayaa inaan fariisto keydka, inaan fariisto tarabuunka ayaan aad u sii doorbidayaa, waa markii iigu horaysay noloshayda ee aan dareemayo xoriyad” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Nasiibkaa Kuu Xulay

Close
Close