Betroolka oo Guul darro la’aan ah kulankii 3-aad oo xiriir ah Somalia Premier League

(Muqdisho) 13 Maarso 2018. Naadiga Savaana ee dhawaan la baxday magaca Batroolka ayaa guul darro la’aan ah kulankii saddexaad oo xiriir ah Somalia Premier League kaddib bar baro 0-0 ay galabta la gashay naadiga Madbacadda.

Batroolka ayaa afar gool uga soo adkaatay Elman, iyadoona dabadeed bar baro 1-1 la soo gashay Benaadir halka ay galabta is mari waayeen Madbacadda.

Savaana oo u muuqata inay kor u soo kaceyso tan iyo sidii loogu bixiyay magaca bari samaadka ee Batroolka ayaa iminka leh 8-dhibcood horyaalka Soomaaliya, waxayna hal dhibic u jiraan Elman oo ku jirta kaalinta 5-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close