MAN UNITED VS SEVILLA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Manchester) 13 Maarso 2018 – Murqa waynta Premier League ee Manchester United ayaa caawa marti gelinaysa kooxda reer Spanish ee Sevilla kulan ka tirsan wareegga 16-ka ee UEFA Champions League 2017/18. Lugtii hore ayaa goolal la’aan ku dhamaatay taasoo ciyaartan ka dhigaysa mid weli jiho kasta u furan.

Dhanka Manchester United

Daafacyada Phil Jones iyo Marcos Rojo ayaa labaduba tababarka kusoo noqday. Paul Pogba iyo Anthony Martial oo labaduba ka maqnaa safkii todobaad dhamaadkii wajahey Liverpool, welina shaki baa ku jira.

Dhanka Sevilla

Jesus Navas ayaa dhaawac ka qaba kubka, shaki baana ku jira. Waxaa isna dhaawac muruqa ah ku maqan Lionel Carole, halka uu tababarka kusoo laabtay Sebastien Corchia oo gumaarka ka sheeganayay.

Shaxda suurtagalka ah ee Man United (4-2-3-1)

GK: De Gea

Defense: Valencia (RB), Lindelof (RCB), Smalling (LCB), Shaw (LB)

Midfield: Mctominay (CDM), Matic (CDM), Lingard (RAM), Sanchez (CAM), Rashford (LAM)

Attack: Lukaku (ST)

 

Shaxda suurtagalka ah Sevilla 4-2-3-1)

GK: Rico

Defense: Layun (RB), Mercado (RCB), Lenglet (LCB), Escudero (LB)

Midfield: Nzonzi (CDM), Banega (CDM), Sarabia (RAM), Vazquez (CAM), Correa (LAM)

Attack: Yedder (ST)

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close