“Waan dhaaranayaa Mohamed Salah kuma jiro jeebkeyga” – Ashley Young oo liiday wiilka reer Masar

(Manchester) 12 Maarso 2018 Laacibka Man United ee Ashley Young ayaa ku jees jeesay weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah kadib markii uu aayad ka qaadan waayay kulankii sabtiga.

Mohamed Salah oo si joogto ah gool u dhalinayay kulamadii u danbeeyay ee Premier League ayaa la waayay shanqartiisa kulankii guul darada dhabarka loo saariyay kooxdiisa.

Taageerayaasha Manchester United ayaa baraha bulshada isla dhex marayay in Ashley Young uu jeebka gashtay Mohamed Salah isla markaana uu kooxda u qabtay shaqo fiican.

Ashley Young oo sheekada xiiso u sii yeelayay ayaa Instagram-kiisa ku soo qoray inuu ku dhaaranayo in Salah uusan ku jirin jeebkiisa.

“Ha i waydiin aniga, Isagu (Mohamed Salah) kuma jiro jeebkeyga, waan dhaaranayaa isagu kuma jiro” ayuu soo qoray Ashley Young ka hor kulanka Sevilla.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close