Suarez oo kula taliyay Neymar inuu iska diido Real Madrid isla markaana uu ku biiro koox ingiriis ah

(Barcelona) 12 Maarso 2018 Ka tagida Neymar ee kooxdiisa PSG ayaa u muuqata mid lawada rumaystay, waxaana Barcelona ka imaanaya digniin loo jeedinayo laacibka reer Brazil.

Sida ay baahisay shabakada Don Balon, Luis Suarez ayaa la xiriiray saaxiibkiis Neymar isbuucii hore markii PSG laga reebay Champions League.

Neymar ayaa u sheegay Suarez inuu qorshaynayo inuu isaga tago PSG, balse Suarez ayaa talo fiican siiyay laacibka reer Brazil.

Image result for Neymar Man City

Xiddiga Barcelona ayaa u sheegay Neymar inuusan isku aadin Real Madrid maadama uu ka baqayo in mashruuciisu uu noqdo mid fashilma haddii uu u dhaqaaqo Bernabeu.

Sidoo kale, wuxuu u sheegay inuu taageerayaasha Barcelona u noqonayo cadawgooda koowaad haddii uu ku biiro Real Madrid isla markaana ay ku adkaan doonto inuu markale gudaha u soo galo magaalada Barcelona.

Suarez oo sii wata taladii uu siinayay Neymar ayaa u sheegay in haddiiba uu ka tagayo PSG uu u dhaqaaqo horyaalka ingiriiska gaar ahaan kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close