Lionel Messi oo talo aad loo la yaabay siiyay daafaca ku cusub Barcelona ee Yerry Mina

(Barcelona) 12 Maarso 2018 Hogaamiyaha qarsoon ee kooxda Barcelona ayaa talo aad loola yaabay siiyay daafaca ku cusub kooxda ee Yerry Mina.

Daafaca reer Colombia ayaa ku soo biiray Barcelona suuqii janaayo, wuxuuna kooxda joogaa kaliya laba bilood iyo dhawr maalin isaga oo ilaa haatan ku dhiban inuu boos joogto ah ka helo kooxda.

Yerry Mina ayaa gadaal laga keenay kulankii lugta labaad ee Barcelona ay 2-0 uga adkaatay Valencia koobka boqorka Spain, sidoo kale wuxuu si buuxda u dhamaystay kulan Barca ay barbaro la gashay Getafe.

Sida ay baahisay Don Balon, Lionel Messi ayaa la hadlay Yerry Mina, wuxuuna u sheegay inuu dareemayo xaalada xun ee uu ku jiro maadama uusan haysan boos joogto ah.

Messi ayaa kula taliyay Yerry Mina inuu isaga tago Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan maadama ay adag tahay inuu boos ka helo kooxda inta ay joogaan Pique iyo Umtiti.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close