Xiddigii lagu badelay booska Kabtankii ka Geeriyooday Fiorentina oo dhaliyay Goolkiisii ugu horreeyay..(Bal Arag wixii uu sameeyay)

(Italy) 11 Maarso 2018. Ciyaarta iminka u dhaxeysa naadiga Fiorentina iyo Benevento ayaa la joojiyay daqiiqadii 13-aad si loogu sharfo kabtankoodii dhawaan geeriyooday.

Davide Astori ayaa ku naf baxay sariirtiisa isagoo hurdaya Hoteel uu kooxda kula sugnaa.

Fiorentina ayaa kulankeedii maanta daqiiqad aamusnaan ah u sameysay Astori ka hor inta aysan kulanka joojin daqiiqadii 13-aad maadaama uu kooxda u xiran jiray No.13.

Vitor Hugo ee ah laacibka lagu buuxiyay booska Kabtankii geeriyooday ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda kaddib markii uu madaxa la helay kubbad koorno la soo qaaday.

Daafaca reer Brazil ayaa soo aaday dhanka keydka iyadoo uu Salaan u saaray funaanad uu ku sawiran yahay daaficii dunidan ka tagay ee Davide Astor.

SAWIRRO:

 Davide Astori's replacement Vitor Hugo opens scoring for Fiorentina

 Vitor Hugo celebrates with a t shirt in honour of tragic Davide Astori

 Fiorentina fans hold up placards which write 'Davide' in honour of Davide Astori

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close