Kooxda Gunners oo Allegri u garatay ninkii bedeli lahaa Wenger

(London) 11 Maarso 2018 – Kooxda Gunners ayaa raadinaysa macallinka Massimiliano Allegri haddii ay Arsenal cayriso Arsene Wenger, sida uu qorayo The Sun.

Sida uu ku doodayo warsidahan reer Ingiriis, 50-jirkan oo kasoo jeeda Livorno ayaa lagu wadaa inuu qabto kooxda Premier League isla xagaaga soo aaddan.

Wenger ayaa Gunners ku sugnaa 22 sano, balse kaddib laba fasal oo ay xitaa gaari la’yihiin kaalinta 4-aad waxay u muuqataa in albaabka la tusi doono.

Allegri oo Juventus kula jooga qandaraas ku eg ilaa Juun 2020, ayaa la sheegayaa inuu haatan qaato casharro Ingiriisi ah, isagoo dookha 1-aad u ah Arsenal haddii Wenger lacalla al eryo, waayo wuxuu Bianconeri gaarsiiyay 2 final oo Champions League 3-dii sano ee ugu dambeeyay, isagoo la qaadayay 3 labaaleey oo Serie A iyo Coppa Italia ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close