Ronaldo oo Markale ka Rageeyay Real Madrid….+SAWIRRO

(Spain) 10 Maarso 2018. Ronaldo ayaa markale ka rageeyay Real Madrid kaddib markii uu wada dhaliyay labada gool ay uga adkaadeen naadiga Eibar 2-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Ronaldo ayaa goolka ugu daah furay cad cadka daqiiqadii 34-aad kaddib Baas uu ka helay Luka Modric.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee dheesha Ivan Ramis ayaa goolka ka soo guday kooxdiisa Eibar daqiiqadii 50-aad.

Ronaldo ayaa markale shabaqa tagay kaddib markii uu Madax ku dhaliyay kubbad uu ka helay Carvajal daqiiqadii 84-aad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close