Ronaldo oo ka war helay DHAGAR uu Isco u Maleegayay kooxda!!!!!

(Madrid) 10 Maarso 2018. Kubbad qaabeeyaha reer Spain Isco ayaa jantay inuu isaga tago Bernabeu kaddib markii uu ku dhibtooday inuu boos joogta ah ka helo shaxda Zinedine Zidane, sida uu sheegayo Don Balon.

Warsidaha reer Spain ayaana warinaya in Chelsea iyo Manchester City ay doonayaan saxiixa Isco.

Waxaa kaloo la sheegayaa inuu isku dayayo in saaxiibkiisa rumaad ee Asensio uu ku qanciyo inuu kula biiro kooxda xigta uu u dhaqaaqayo.

Sida uu warinayo Don Balon Ronaldo ayaa ka war helay shirqoolka uu Isco u maleegayo kooxda.

Waxaa la sheegayaa in CR7 uu ku faraxsan yahay in kooxda laga diro xiddiga qadka dhexe ee weerarka balse ma doonayo inuu sii salfado Asensio.

Natiijada sawirka Ronaldo and Asensio

Kabtanka xulka Portugal ayaa la sheegayaa in Real Madrid uu ku war galiyay Dhagarta uu u maleegayo wiilka reer Spain.

Don Balon ayaa soo jeedinaya in Ronaldo uu u sheegay maamulka kooxda inay sameeyaan wax kasta oo karaankooda ah sidii ay kooxda ugu sii heyn lahaayeen Asensio

Isco ayaa dhaliyay Todobo gool halka uu caawiyay Todobo kale xilli ciyaareedkan balse badel ayuu ku yimid kulankii talaadada ee PSG tartanka Champions League.

25-jirka ayaa Real Madrid kula jooga qandaraas ka dhacaya ilaa xagaaga 2022 laakiin Mustaqbalkiisa si joogta ayaa shaki looga muujinayay.

Sawirka la xidhiidha

Asensio ayaa u soo ifbaxay sida mid ka mid ah xiddigaha shidan ee kooxda u soo baxaya balse dhibane u ahaa Ronaldo, Bale iyo Benzema.

Yeelkeede, xiddiga reer Spain ayaa mar u muuqday inuu ka dhawaajiyay inuu iska diidi doono dalbyada soo gaarayo isagoona yiri:

“Waxaan joogaa kooxda ugu fiican adduunka, waana ku faraxsanahay Real Madrid.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close