Paul Pogba oo arin cajiib ah ku sameeyay Mourinho kadib ciyaartii Liverpool (Xiriirkoodii oo soo laabtay)

(Manchester) 10 Maarso 2018 Paul Pogba ayaa dhaawac ku seegay kulankii kooxdiisa Manchester United ay guul darada dhabarka u saarisay Liverpool.

Markii ay dhamaatay ciyaarta, tababare Mourinho ayaa Tunnel-ka looga baxo garoonka waraysi gar ah ku siinayay BBC Sport kaas oo uu uga hadlayay sidii ay u ciyaartay kooxdiisa iyo muhiimada guushii ay gaartay.

Laakiin Paul Pogba ayaa u soo dhuuntay isla markaana si lama filaan ah uga nixiyay tababare Mourinho, durbadiiba salaan ayuu ku boobay tababaraha reer Portugal.

Saxafiyiintii duubayay waraysiga ayaa aad ula dhacay kaftankii dhex maray Pogba iyo tababare Mourinho oo isbuucyadii dambe la soo sheegayay dagaalkooda.

Dhacdadaan ayaa soo muujisay in labada nin ay heshiiyeen isla markaana Pogba uu ogolaaday inuu u hogaansamo amarka tababarihiisa.

Halkaan Ka Daawo:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close