N’Golo Kante miyuu xiiseenayaa ku biiridda PSG?

(Paris) 10 Mar 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in N’Golo Kante uusan diyaar u ahayn ku biiridda Paris Sain-Germain.

Kooxda Unai Emery ayaa lagu soo warramayaa in ay ahmiyada kowaad ee suuqa ka dhigatay N’Golo Kante kaddib markii ay ku hareen wareegga 16ka Champions League.

Evening Standard ayaa sheegtay in PSG aaminsan yihiin ay Kante ka soo wadi karaan Stamford Bridge xilli Blues qiil uu ka galay booska Champions League-ga.

Majaladda waxa ay intaas raacisay in Kante uusan diyaar u ahayn ku laabshada France ee uu daneenayo sii joogidda Premier League.

26 jirkiisa waayihiisa ciyaareed waxa uu ka soo curiyey France kahor inta uusan 2015 ugu soo biirin Leicester City for £5.6m.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close