Laacib ka tirsan Real Madrid oo MUSQUL u cararay intii ay socotay ciyaartii galabta ee Eibar (Tababare Zidane iyo Laacibka oo ka hadlay dhacdadaas)

(Madrid) 10 Maarso 2018 Laacib ka tirsan Real Madrid ayaa isaga baxay ciyaartii galabta ee kooxdu ay 2-1 uga adkaatay Eibar oo ay marti u ahayd.

Sergio Ramos ayaa isaga baxay ciyaarta isaga oo aan la badalin 15-kii daqiiqo ee ugu danbeeyay, daqiiqado kadib ayuuna dib ugu soo laabtay garoonka.

Tababare Zidane ayaa xaqiijiyay in Ramos caloosha laga qabtay isla markaana laacibku uu u baahday inuu soo xaajo guto kadibna dib ayuu u soo laabtay.

“Ramos musqusha ayuu aaday muddo daqiiqad ah si uu u soo xaajo guto kadibna dib ayuu u soo laabtay” ayuu yiri tababare Zidane ciyaarta kadib.

Kabtan Ramos ayaa dhankiisa xaqiijiyay in caloosha laga qabtay, wuxuuna ku soo qoray bartiisa Instagram-ka:

“Xanuun ayaa iga qabtay caloosha, garoonka ayaan ka baxay, kadibna waan soo laabtay kooxduna gool ayeey dhalisay, ugu danbayn guriga ayaan imid”.

Sheekada waxaa xiiso u sii yeelaya in Ramos uu musuqul aaday ciyaarta oo 1-1 ah, laakiin wuxuu soo laabtay Ronaldo oo hogaanka u dhiibay Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close