HORDHAC: Eibar vs Real Madrid

(Spain) 10 Maarso 2018. Real Madrid ayaa u safreysa naadiga Eibar oo kaalmaha hore soo hiigsaneysa.

Wararka Labada dhinac:

Toni Kroos ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto qadka dhexe, halk Modric isna laga yaabo inuu ka soo muuqdo kulanka kaddib markii uu ka soo kabtay dhaawaca.

Isco iyo Bale oo la badelay kulankii PSG ayaa lagu wadaa inay ku soo bilowdaan kulankan, waxayna u badan tahay in la nasin doono Marco Asensio iyo Lucas Vazquez.

Nacho ayaa isna lagu wadaa inuu dhaxlo booska Varane.

Eibar ayaa waxaa ka maqnaan doona weeraryahankooda Sergi Enrich, sidoo kale xiddigaheeda qadka dhexe ee Fabian Orellana and Fran Rico ayaa iyana dhaawacyo ku maqan.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Eibar vs Real Madrid (La Liga)

Goobta: Municipal de Ipurua

Goorta: 3:00 Galabnimo

Garsoorka: Jose Munuera (Spain)

Safafka Macquulka ah ee Eibar vs Real Madrid:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close