“Firmino iyo Mane ayaa iga caawinaya inaan ku guulaysto ….” – Salah oo ka shifay arin qarsoonaa

(Liverpool) 10 Maarso 2018 Weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka sheekeeyay abaal marin uu si wayn u doonayo inuu ku guulaysto xiliciyaareed kaan.

Mohamed Saah ayaa sheegay in Roberto Firmino iyo Sadio Mane ay ka caawinayaan isaga sidii uu xiliciyaareed kaan ugu guulaysan lahaa abaal marinta kabta dahabka ah.

Salah ayaa tartan ku aadan abaal marintaas kala kulmaya Harry Kane, Messi iyo Cavani oo haatan ay wada leeyihiin min 23-gool.

Image result for Firmino Salah Mane

“Firmino iyo Mane? Waa laba laacib oo shaqsi ahaan uu heer koodu sareeyo, waxayna isku dayayaan inay iga caawiyaan ku guulaysiga kabta dahabka ah” ayuu yiri Salah.

“Ugu yaraan kubadd walba ayeey ii baasaan, waxayna isku dayaan inaan joogteeyo dhalinta goolal badan, sidoo kale waxay ii ogolaadeen inaan tuuro gool ku laadka”.

“Ma jiro tartan dhexdeena ah, taas ayaana muhiim noo ah anaga, laakiin ugu danbayntii 3-da dhibic ayaa muhiim ah sidaas dateed dhamaanteen waxaan doonaynaa inaan gool dhalino”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close