EPL: Rashford oo Rusheeyay Reds….+SAWIRRO

(Manchester) 10 Maarso 2018 Marcus Rashford ayaa guul muhiim ah farta ka saaray kooxdiisa Manchester United oo haatan 5-dhibic ka sara martay Liverpool.

Manchester United ayaa weerar aan kala joogsi lahayn kala hortagtay Liverpool bilowga qaybtii hore ee ciyaarta.

14 daqiiqo, Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man United kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu ka helay Lukaku, wuxuuna kala cararay difaaca Liverpool, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

 Jose Mourinho was rewarded for handing Marcus Rashford a rare start

Ciyaartoyda Liverpool ayaa isku dayay inay soo barbareeyaan goolka, balse markale ayuu Marcus Rashford uga naxsaday gool kale ciyaarta oo aan gaarin daqiiqadii 25-aad.

Lukaku ayaa kubadd u dhigay Mata laakiin waxay ku dhacday mid kamid ah daafacyada Liverpool taas oo u tagtay Rashford oo shuud xoogan ku riday goolka, wuxuuna ka dhigay 2-0.

 United striker Marcus Rashford curled twice into the far post

38-daqiiqo, Juan Mata ayaa ku dhawaaday inuu goolkii isbuuca u dhaliyo kooxdiisa Manchester United kadib markii uu labaaleey isla laabay, balse kubadda ayaa geesmartay birta.

Qaybtii hore ayaa ku soo idlaatay 2-0 oo ay hogaanka ku haysay Man United.

Qaybtii labaad, Liverpool ayaa samaysay wax walba oo ay gool ku dhalin kartay, kooxda tababare Klopp ayaa sidii ay doonato u maamulatay ciyaarta laakiin kubadd walba oo ay soo dhisaan waxay ku dhamaanaysay difaaca Man United.

 Eric Bailly handed Liverpool a lifeline with a spectacular own-goal

66-daqiiqo, Eric Bailly ayaa gool ka dhaliyay kooxdiisa Manchester United kadib markii uu si qaldan u ciribeeyay kubadd uu soo karoosay Sadio Mane, natiijada ayaa noqotay 2-1.

Ciyaartoyda Liverpool ayaa wax walba sameeyay laakiin ciyaarta ayaa ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda tababare Mourinho.

 David de Gea could not keep out Eric Bailly's flick

 Jose Mourinho brought on marouane Fellaini for the goalscorer as he tried to see out the game

 Gutted Bailly injured himself while deflecting the ball into his own net but played on

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close