“Ilaaheey ayaa mahad leh ……….” – Lionel Messi oo xaqiijiyay in loo dhalay wiilkiisii 3-aad

(Barcelona) 10 Maarso 2018 Lionel Messi ayaa xaqiijiyay in loo dhalay wiilkiisii 3-aad kadib Thiago iyo Mateo oo horay ugu  dhashay xiddiga reer Argentina.

Messi ayaa bartiisa Instagram-ka ku xaqiijiyay in loo dhalay wiilkii uu sugayay mudooyin kaan, kaas oo uu horay ugu bixiyay magaca “Ciro”.

Laacibka Barcelona ayaa sheegay in wiilka iyo hooyadiis Antonella Roccuzzo ay labaduba caafimaad qabaan, isla markaana isagu uu ilaaheey uga mahadcelinayo cunuga caafimaadka ugu dhashay.

“Soo dhawaaw Ciro, Ilaaheey ayaa mahad leh waayo wax walba cajiib ayeey ahaayeen, hooyada iyo wiilku caafimaadkoodu waa mid wanaagsan, aad ayaan u faraxsanahay” ayuu Messi ku soo qoray bartiisa Instagram-ka.

Messi ayaa laga reebay ciyaartoyda Barcelona ee caawa u martin doona kooxda Malaga horyaalka Spain, si uu uga warhaayo xaalada qoyskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close