RASMI: Mohamed Salah oo ku guulaystay abaal marinta xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii dhamaatay

(Liverpool) 09 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaal marinta xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii dhamaatay.

Salah ayaa abaal marintaan uga adkaaday ciyaartoy ay ka mid yihiin Sergio Aguero, Eden Hazard iyo Mousa Dembele.

Mohamed Salah ayaa horyaaka ingiriiska u ciyaaray kooxdiisa Liverpool 3-kulan bishii dhamaatay ee February, wuxuuna u dhaliyay 4-gool isaga oo caawiyay 2-kale.

Liverpool ayaa guulaysatay 3-daas kulan 2-kulan oo ka mid ah halka kulanka kale ay barbaro 2-2 ah la gashay Tottenham oo marti u ahayd.

Dhanka kale, tababaraha kooxda Brighton ee Chris Hughton ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay abaal marinta tababarihii ugu fiicnaa Premier League bishii dhamaatay ee February.

Hughton ayaa kooxdiisa ka saaray boosaska looga haro horyaalka kadib markii uu u gacan galiyay 7-dhibic bishii February, waxaana xusid mudan in kooxdiisu ay axadii 2-1 uga adkaatay Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close