Ma ogtahay in Mbappe uu u soo ciyaaray Chelsea, balse uu Gool u dhalin waayay??..(Ogoow sida ay QISADAN u dhacday)

(Europe) 09 Maarso 2018. da’yarka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee Kylian Mbappe ayaa daaha ka rogay inuu jeclaa inuu u ciyaaro Chelsea yaraantiisa.

Laacibka PSG ee reer France ayaa tababar la qaatay Chelsea isagoo 10-jir ah balse wax gool ah dhalin waayay kulan ay Blues 7-gool uga adkaatay Charlton.

19-jirka ayaa mar uu u waramayay FourFourTwo daaha ka rogay:

 Kylian Mbappe was just 10 when he played on trial for Chelsea in his first trip abroad

“Weli waan yaraa, laga yaabee 10 ama 11-jir inaan ahaa.

“Waxaan aaday London waxaana ku soo qaatay Usbuuc. Waxaan tababarka la qaatay Chelsea waxaana kulan saaxiibtinimo la ciyaarnay Charlton Athletic.

“Waxaan ku adkaanay 6-0 ama 7-0. Weerarka ayaan ka ciyaarayay. Laakiin uma maleynayo inuu wax gool ah dhaliyay.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close