IL GIORNALE – Milan-Arsenal: Gunners farsamo ahaan way ka taya sarraysay Milan

(Roma) 09 Maarso 2018 – Warsidaha Il Giornale ayaa wax ka qoray kulankii xalay dhexsaday Milan-Arsenal ee lugta hore ee wareegga 16-ka ee Europa League kaasoo AC Milan gurigeeda looga badiyay 2-0.

Warsidahan Talyaaniga ah ayaa qoray in ay waadax ahayd in Arsenal ay farsamo ahaan ka tayo badnayd kooxda Milan, gaar ahaan dhanka weerarka.

Wuxuuna wargaysku sheegay in taa oo lagu daray khibrad la’aanta kooxda Milan oo inta badan ka kooban dhallinyaro haatan soo baxaysa ay xalay ahayd farqigii u dhexeeyay labda kooxood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close