Elman oo ku Ciil baxday Gaadiidka

(Muqdisho) 09 Maarso 2018. Naadiga Elman ayaa caradii ay ka soo qaaday Batroolka galabta kala dul dhacday naadiga Gaadiidka oo ay ku martay 3-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Meyma ayaa dhaliyay goolka lagu kala nastay qeybta hore ee dheesha.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta laacibkii hore ee Jeenyo Anwar Shakunda ayaa labo gool is raacsaday.

Elman ayaa ka jawaabeysay guul daradii sida lama filaanka ah usbuucii tagay uga soo gaartay naadiga soo koraya ee Batroolka oo 4 gool laqsiisay.

Gaadiidka ayaa ah naadiga iminka ugu hooseeya kala sarreynta horyaalka Somalia Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close