EEG: NAQSHADDA CUSUB EE UU SANCHEZ U SOO JARTAY KAHOR KULANKA LIVERPOOL!

(Mancehster) 09Mar 2018. Alexis Sanchez waxa uu muujnayaa toddobaakan in uu JARMO dheeryahay kuwa kale ee Manchester United gaar ahaan kulanka adag ee Liverpool.

Laacibkii hore ee Arsenal xaalka ayaa ku xumaa tan iyo markii uu ku sii biiray Manchester United.

Laakiin hadda bandhigyada ma waxa uu ku bilaabay JARMO?

Sanchez waxa la arkay isaga oo ku jira timaharaha caanka ah ee Hedz International hair stylists oo ah mid ay aad uga galaan ciyaaryahanada Man United.

Chris Smalling, Marcus Rojo, David De Gea iyo   Juan Mata dhammaan wey ka soo jarteen isla waqtigaas.

Jarniinka qalleelka waa £13 marka laguu jaranayo mid heer sare ah waana £15 – taas waxba uguma fadhido nin asbuucii qaata £500,000.

29 jirka geesaha iyo gadaal ayaa laga xiiray!

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close