Dani Alves oo ka jawaabay eedeyntii loo soo jeediyay ee ahayd inuu DIIF ku tiray Ronaldo

(Paris) 09 Maarso 2018 Daafaca kooxda PSG ee Dani Alves ayaa lagu soo eedeeyay inuu diif isaga tiray funaanada xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

Intii lagu guda jiray kulankii Real Madrid ay 2-1 uga adkaatay PSG talaadadii ayeey kaamirooyinku soo qabteen Dani Alves oo diif iska tiraya isla markaana ku sii tiraya funaanada Ronaldo.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa ka carooday wararkaas la faafiyay, wuxuuna sheegay in Champions League laga harijiray balse aan la arki jirin wararkaas qaabta daran.

34 jirka reer Brazil ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Marka aan ka hadlo shaqadayda, ma ahan wax xanuun badan in kooxdayda la reebo waayo taasi waa qayb kamid ah ciyaarta, laakiin waxa la yaabka leh ayaa ah inaan aragno wax yaabahaas dabaal nimada ah”.

“Waan sii wadi doonaa tartanka sidii aan horay u sameeyay, waxyaabahaas doqonimada ahna kuwa dabaalada ah ayaan u dhaafayaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close