“Dadka wax ka garanaya Kubbada Cagta sidoo kale Way ogyihiin in Benzema…”

(Europe) 09 Maarso 2018. Real Madrid waxay wareega 16 ka soo dhaaftay PSG balse Benzema kama uusan baxsan in la dhaleeceeyo kaddib fursado cad uu khasaariyay, taa oo qasabtay in Zidane uu markale difaaco xiddiga reer France.

“Qasab ma ahan in Dhaleeceymaha Benzema aan iraahdo waa cadaalad ama ma ahan,” Zidane ayaa sidaa ka yiri shirka jaraa’id.

“Waxaan xiiseynayaa shaqada uu qabto, waan jeclaan lahaa inuu gool dhaliyo maxaa yeelay fursado ayuu helaa, laakiin si fiican ayuu u sameeyay kooxda.

“Cidna ma qanicnayo. Waxaa jira dad garanaya Kubbada cagta waxayna kuwaa garanayaan in Benzema uu aad u fiican yahay.

“Had iyo jeer waxaa jira ciyaartooy ay dadka ka helaan ama aysan ka helin. Waxaa jira dad ka hela Isco iyo kuwa aan ka helin, Taasi adiga ayay ku saameyn doontaa ee aniga ima saameynayso.

“Karim wuxuu halkan joogaa Sagaal sano mana ahan inaan Qeexo isaga, aad ayuu u fiican yahay aad ayaana uga helaa.

“Rikoodhkiisa ayaa hadlaya. Waa No.9 ka Real Madrid, innagana isaga unaan diirada saareynaa in badan maxa yeelay wax badan ma dhalin dhawaanahan.

“Waxa ay dhaleeceynayaan waa inuusan gool dhalin laakiin waxyaabo kale ayuu u sameeyay kooxda, Goolkana wuu imaan doonaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close