CUB IYO CIR! Dib u xusuuso carruurnimadaadii – Milkiilaha kubadda ayaa loo hor dooran (Cugan) jiray, kan ugu buuran……….? Aqri oo ku dar inta ka maqan oo aad xasuusato!

(Muqdisho) 09 Mar 2018. Maanta aan dib idin yara celinayo! Ooh ileen qaar ayaaba hadda xaaladdaas ku jira? mise Sallaxyo ayaa soo kordhay?

Carruurnimadeenii waa mid xusuus qurux badan leh. Waxaaba aan qalibiga ka go’in waxaa ka mid ah in khamiistii marka dugsiga la fasaxo hore laga aadi jiray garoomada inaga oo koox koox ah! Xeebta Liido, Muqdisho mise xeebta calanleey Kismaayo! Garoomada Hargeisa, Beledweyne, Baydhabo, Buuhoodle mise Bosaso?

Hadaba walow ay wax yar ku kala duwanaan karaa qaababkii loo ciyaari jiray yaraanteenii hadaba dunida oo dhan waa laga siman yahay sharciyaddii la’isku culan jiray!

Haddaba hoos waxaan ku xusuusaneynaa qodobo ay macquul tahay in laga wada sinnaa….Laakiin aqriste adigu noogu reeb falcelinta Facebook waxa aad xusuusato?

5……Wiilka buuran/shuluqa ah waxa uu mar walba ahaan jiray boortaha/goolhayaha

4……..Milkiilaha kubadda ayaa xulan jiray ciyaaryahanada uu u ogolyahay in ay ciyaraan

3….Milkiilaha kubadda xilliga uu rabo ayuu dhammeyn jiray ciyaarta

2……….Ciyaaryahanada ugu laacibsan ayaa marka hore la xulan jiray

1…………Waa la ogolaa in boorta gudaha ka ciyaaro oo la bedelo

6………Lama bedelin karin milkiilaha banooniga

7……Mar walba milkiilaha banooniga gurigiisa ayaa laga raadin jiray

8…….Milkiilaha banooniga isaga oo qofka uu rabo ugu hor dooran jiray

0…….Milkiilaha haddii laga badinayo kooxda fiican ayuu ku biiri jiray inta tii hore ka baxo

 

 

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

  1. milkiile ma jiri jirin lkn captan iyo iyo gudi ayaa jiri jiray
    ani ahaan time ex bkr ilaa hada xafada bkr ayaan daganaan jiray ilaa iyo saacaan way jirtaa 7 iyo boorto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close