“Wax macno ah malahan markii aan soo garaacnay Real Madrid iyo Dortmund, laakiin Juventus….”

(Europe) 08 Maarso 2018. Weeraryahanka Tottenham Son Heung-min ayaa sheegay in bandhigii kooxdiisa ee kulankii xalay ee Juventus uu u qalmay guul.

Wiilka reer South Korea ayaa xalay gool ugu daah furay kooxdiisa laakiin waxaa laga soo cirib tiray tartanka kaddib labo gool ay saddex daqiiqo uga dhaliyeen Higuain iyo Dybala.

Guul daradii xalay ayaa soo afjartay guulihii Tottenham oo ay ka mid ahaayeen inay labo jeer soo garaaceen Dortmund iyo mar ay ka adkaadeen Real Madrdi wareega group-yada iyagoona markaa u muuqday inay musharixiin yihiin.

 Heung-Min Son was seen wiping the tears from his eyes after the final whistle

“Wax micno ah malahan markii aan soo garaacnay Real Madrid iyo Dortmund, Minco malahan,” Son ayaa sidaa ku calaacalay.

“Juventus waa koox kale oo fiican, koox kale oo meel sare ka joogta Yurub. Waxaan aaminsanahay inaan si fiican u ciyaarnay- si iyaga ka fiican.

“Waxaan leeyahay waxaan u qalannay wax intaan ka badan, laakiin kubbada cagta waa inaad goolal dhalisaa, waxayna iyagu labo gool ku dhaliyeen Wembley Stadium. . Waa inaan aqbalnaa Natiijada.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close