WAR ILLEEN TAN OO KALE! Bellerin iyo Iwobi oo ay TII DHEEREYD QABSATAY kaddib markii ay isku dayeen in ay tababar ku saabsan Arsenal u qabtaan Aubameyang iyo Mkhitaryan [Muuqaal]

(London) 08 Mar 2018. Alex Iwobe iyo Hector Bellarin waxaa loo xil saaray in ay saxiixyada cusub ee kooxda Emerick Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan baraan wax walba oo ku saabsan Arsenal.

Henrikh Mkhitaryan oo ay labada doc isku weydaarteen Alexis Sanchez wali ma sal dhigan London.

Laakiin kali kuma ah oo waxaa isna saanta dhulka la helin Emerick Aubameyang.

Iyada oo ay caadi tahay in ciyaaryahanada ku adkaato maal maha hore la  qabsiga bay’ada, hadana Arsenal labada ciyaarayhan tababar ayey u qabatay.

Laba wiil oo muddo dheer ku sugnaa ayaa shaqadaas loo xilsaaray.

Bellerin oo Arsenal isaga oo 16 jir ah uga soo biiray Barcelona iyo Iwobi ayaa khibradda ay London u leeyihiin la wadaagay Aubameyang iyo Mkhitaryan.

Laga soo bilaabo ereyada ay ku dhawaqaan taageereyaasha, af suuqeedka iyo wax walba oo la halmaala ahaanshaha Gunner.

Laakiin arintaas ma aysan soo dhaweyn taageereyaasha Arsenal.

Qaar ka mida oo Twitter-ka beegsaday ayaa soo qora.

“Waa xilligii ay waqti ku bixin lahaayeen tababar adag,.”

MID KALE: “Kaliya tan haddii ay la xiriirin lahaayeen garoonka gudihiisa.”

MIDKALE: “Xaaladda hadda ka jirta Arsenal tani runtii waa wax aad loola yaabo,”.

Another said: “Only if they connected this well on the pitch.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close