Suarez oo dhaawac ku seegi doona kulanka Barca Vs Chelsea

(Catalonia) 08 Mar 2018. Laacibka khadka dhexe ee Barcelona Denis Suarez ayaa gabi ahaanba la sheegay in uusan ciyaari doonin kulanka lugta labaad ee Chelsea.

Laacibka reer Spain markii horeba boos joogta ah kuma lahayn Barca laakiin keydka ayuu ka soo galiyey jiray inta badan.

Hase ahaatee, sida laga soo xiganayo Football.london, 24 jirka dhaawac ayuu uga maqnaan doonaa safka Barca.

Suarez oo ciyaaray kulankii lugta kowaad ee Catalan Super Cup ayaa dhaawac soo gaaray oo seejin doona kulamo dhawr ah.

Lugtii hore ee kulankii Cheslea iyo Barca 1-1 ayuu ku soo dhammaaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close