PSG oo xiriir la samaysay tababaraha Chelsea ee Antonio Conte

(Paris)  08 Maarso 2018 Kooxda reer France ayaa durba bilowday raadinta tababarihii badali lahaa Unai Emery oo laba xiliciyaareed ku fashilmay in kooxda uu ka gudbiyo wareega 16-ka.

Wargayska L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in PSG ay xiriir la samaysay Antonio Conte walaalkiis si uu uga caawiyo saxiixiisa.

Image result for Conte PSG

PSG ayaa doonayasa inay ka faa’idaysato qilaafka u dhexeeya Antonio Conte iyo maamulka Chelsea, kooxda reer France ayaana ku dadaalaysa sidii ay heshiis ula gaari lahayd tababaraha reer talyaani.

Qandaraaska tababare Unai Emery ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, kooxdu ma doonayso inay u kordhiso heshiiska taas oo ka dhigan inuu baxayo haddii uu dhamaysto qandaraaskiisa.

Antonio Conte, Mauricio Pochettino, Carlo Ancelotti, Pep Guadiola iyo Jose Mourinho ayaa ku jira liiska tababareyaasha uu doonayo Nasser Al-Khelaifi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close