Paulo Dybala oo calaamadaystay kooxdii uu ku biiri lahaa dhamaadka xiliciyaareed kaan

(Torino) 08 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Xiddiga reer Argentina oo xiliciyaareed kaan SereiA ka dhaliyay 15-gool ayaa diirada u saaran kooxo badan oo ay ka midyihiin Manchester United, Barcelona iyo Real Madrid.

Image result for Paulo Dybala Real Madrid

Sid ay baahisay shabalada Don Balon, Paulo Dybala ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxdiisa Juventus isla markaana uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaa u muuqata mid uga adkaatay Barcelona saxiixa Paulo Dybala, kaas oo la filayo inuu ka mid noqon doono saxiixyada waa wayn ee Real Mdarid ay samayn doonto suuqa xaggaaga.

Warkaan ayaa imaanaya xili la faafiyay in Juventus ay ku dhawdahay inay heshiis cusub ka saxiixdo Paulo Dybala kaas oo uu ku helayo mushaar dhan 120 kun oo Ginni isbuucii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close