Massimiliano Allegri oo sheegay magaca hal koox oo uusan doonayn in kooxdiisu ay ku aado

(Torino) 08 Maarso 2018 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa sheegay magaca hal koox oo uusan doonayn in kooxdiisu ay wajahdo.

Juventus ayaa xalay si awood ah ku reebtay Tottenham oo ay 2-1 uga adkaatay kadib markii 2-2 uu ku soo idlaaday kulankii lugta hore.

Image result for Allegri vs Barcelona

Massimiliano Allegri ayaa diyaar u ah inuu wajaho koox walba, balse wuxuu sheegay inuusan doonayn in kooxdiisa lagu aadiyo kooxda Barcelona.

Kadib guushii xalay kooxdiisu ay ka gaartay Tottenham ayaa la waydiiyay Allegri haddii ay jirto koox uusan doonayn inuu ka hortago, wuxuuna ku jawaabay:

“Barcelona, kooxda aanan doonayn sanad walba inaan ku aado waa Barcelon, Barcelona, Barcelona, intaas soo idin kuma filna”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close