“Maalmaha taabarka afar xabo ka cuna, kulamada kahor saddex ka cuno”, – Cuntooyinkii guulaha waa weyn gaarsiiyey Manchester United xilligii Sir Alex Ferguson oo la kashifay!!

(Manchester) 08 Mar 2018. BRIAN McCLAIR ayaa daaha ka rogay I sirtii halyeygii weynaa ee Sir Alex Furguson ahayd doolshaha loo yaqaan Jaffa Cake.

Waxaa mar walba jiri jirtay aragti ahayd in Arsene Wenger ciyaaryahanada ku soo rogi jiray ciyaaryahanada xanibaad qaar ka mida cuntooyinka si ay bandhigyo wanaagsan u sameeyaan- laakiin ciyaartaas waxaa uga fiicnaa Sir Alex.

McClair, oo haatan da’diisu tahay 54 ayaa ka mid ahaa saxiixyaddii ugu horreeyey ee ay United sameyso 1987.

Laakiin talo uu siiyey nafaqeeyo aad can u ahaa ayaa safka kooxda lagu amray in ay badsadaan doolshaha Jaffa Cake si tamarta ugu siyaaddo.

Laacibkii hore ee Scotland waxa uu beegsaday Twitter-ka si uu daaha uga rogay waxyaabihii guulaha ugu wacnaa Manchester United.

Waxa uu yiri: “Sanadkii 1992, SAF (Sir Alex Ferguson) waxa uu keenay Trevor Lea (Nafaqiiste), ficilkiisii ugu horreeyey waxa uu ahaa custard creams, bourbons & choc digestives.

“Waxa uu watay boorso uu ka soo bixiyey cuntooyinka  kobciya bandhigyada  taas ayaa fure u ahayd United guuleheeda 16kii sano ee ku xigay!!!

McClair sidoo kale waxa uu daaha ka rogay in safka lagu amray cunida: “Shan doolshaha Jaffa maalmaha tababarka iyo saddex kahor kulamada.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close