“Kooxaha Ingiriiska waa kuwa LIITA.”. Higuain iyo Chiellini oo si xun uga Jeex Jeexay Premier League

(Europe) 08 Maarso 2018. Juventus ayaa xalay Wembley uga taqalustay Tottenham lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League.

Kooxda reer London ayaa lugtii hore Talyaaniga ku soo gashay 2-2, waxayna lahayd niyad balaaran oo uu sii xoojiyay Hon Seung-Min oo hogaanka u dhiibay kulankii xalay.

Balse Dybala iyo Higuain ayaa saddex daqiiqo gudahood labo gool uga dhaliyay Spurs sidaana uga reebay koobka dhaga waynaha.

Dhaliyaha reer Argentina iyo daafaca reer Talyaani Giorgio Chiellini ayaa ciyaarta kaddib si xun uga jafay kooxaha Ingiriiska oo ay ku sheegeen kuwa daafac ahaan Liita.

“Wuxuu ahaa kulan aad u adag oo aan la yeelanay koox wayn sida Tottenham kuwaa oo had iyo jeer bixiya tooda ugu fiican, Laakiin waan ogeyn in kooxaha Ingiriiska ay markasta ka liitaan daafaca oo ay dal daloolo baneeyaan isla markaana ay fursado na siin doonaan,” Higuain ayaa sidaa u sheegay Mediaset Premium.

Chiellini oo isna inuu kuwa Liita ku sheegay kooxaha Ingiriiska ayaa waxaa u dheeraa inuuba ugu faanay in Khibrad loo baahan yahay ‘Experience Matters’

“Waan ogeen in Tottenham ay daafaca ka jilcan tahay isla markaana maskax ahaan si fudud lagu dhaawici karo.

“Waa Taariikhda lagu yaqaano Tottenham. Markasta waxay abuuraan fursado badan ay goolal badan ku dhaliyaan, laakiin ugu dambeyn waxay lumiyaan wixii dhammaadka lagu soo gaari lahaa.

“Waxaan rumeysannahay Taariikhda, shalay ayaan aragnay PSG iyo Real Madrid, Taariikhda waa Muhiim.

“Khibradu waa muhiim, caawana waxaan u isticmaalnahay xirfadaas waxaana soo gaarnay guusha.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close