“In la casilo ayey u baahan tahay”, – Gary Neville oo sababahan ku weeraray Raisul Wasaaraha Britain

(London) 08 Mar 2018. Halyeygii Manchester United Gary Neville ayaa ka yaabiyey ganacsato uu la hadlayey isaga oo ugu baaqay Raisul Wasaaraha Britain Theresa May in shaqada laga eryo.

Ciyaaryahankii hore ee isu bedelay fallanqeeyaha ayaa ku eedeeyey Raisul Wasaaraha “In ay si xun u guuldarreysatay” oo “Aysan ahayn qof ugu fiican ee la heli karo” ee hoggaamin kara dalka.

Neville oo ay da’diisu tahay 43 – kaas oo afar bilood uun ahaa tababaraha Valencia caawiyena u soo noqday Roy Hodgson markii uu ahaa leyliyaha England ayaa lagu marti qaaday in uu ka hadli dhacdo ay isugu oo uga hadlayey ganacsiga uu bilaabay markii uu kubadda cagta ka fariistay.

Laakiin waxa uu weeraray Mrs Ma.

Waxa uu yiri: “Raisul Wasaaraha waa maareeyaha guud ee dalka. Sida Maareeyaha guud waa qofku ahaadaa kan ugu fiican ee la heli karo – iyadu ma aha.

“Waa in ay xaqiijisaa in qof walba helo waxbarasho fiican, qof walba helo caafimaad wanaagsan, qof walba helo wadoodyin wanaagsan oo aan dal ahaan nabad ahaano.

“Si aad u xun ayey u guuldarreysatay.

“In shaqada la eryo ayey u baahan tahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close