Gerrard oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey African-kii ugu laacibsanaa ee ka ciyaara Premier League….Maku raacsan tahay?

(London) 08 Mar 2018. Halyeygii Liverpool Steven Gerrard waxa uu Maxamed Saalax ku tilmaamay laacibkii Afrika u dhashay ee ugu wacnaa Premier League-ga.

Saalax ol’ole aan caadi ahayn uu kula qaadanayaa Liverpool England isaga oo 24 gool oo Premier League ah u dhaliyey kolkan.

Laacibkii hore ee Chelsea waxa uu ku hoggaamiyey Reds kaalinta saddexaad iyaga oo wareegga sideed dhammaadka ka gaaray Champions League-ga.

Mar la weydiiyey in Maxamed Saalax yahay midka ugu fiicanaa Gerrard kuwa African-ka ah ee ka dheelay ama ka dheela Premier League waxa uu BT Sport ugu jawaabay: “Waad mid adag. Haa dabcan.

“Waxaan qabaa in aad sugto sida uu ol’olaha u dhammeeyo, laakiin haddii uu sidan ku socdo oo uu rikoorada dhigo, markaa waa in aad dhahdaa haa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close