Gareth Bale oo u sheegay Ronaldo kooxda uu ku biirayo dhamaadka xiliciyaareed kaan

(Madrid) 08 Maarso 2018 Weerar yahanka reer Wales ee Gareth Bale ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu kooxda ka noqday laacib badal loo isticmaalo.

Bale ayaa qorshaha uu damacsan yahay la wadaagay laacibka ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo, xiddiga ayaana doonaya inuu dib ugu laabto horyaalka ingiriiska.

28 jirkaan ayaa u sheegay Cristiano Ronaldo in go’aankiisu uu yahay inuu ku biiro kooxda Chelsea dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay baahisay shabakada Don Balon.

Gareth Bale ayaa ogolaaday inuu qayb ka noqdo heshiis is dhaafsi ah oo labada kooxood ay is dhaafsanayaan Eden Hazard iyo isaga.

Hazard ayaa hakad galiyay wadahadal heshiis kordhin ah oo uu kula jiray kooxdiisa Chelsea, laacibka ayaana dhawr jeer ku celceliyay inuu ku riyoodo u ciyaarida Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close