Ronaldo oo xalay soo muujiyay halyeey nimadiisa (Arag hadalkii uu ku yiri ciyaartoyda ka hor intii aysan bilaaban ciyaarta)

(Madrid) 07 Maarso 2018 Cristiano Ronaldo ayaa si cajiib ah ula hadlay xalay ciyaartoyda Real Madrid waqti yar ka hor intii aysan bilaaban ciyaarta.

Ronaldo ayaa si wacan u dhiirogaliyay asxaabtiisa kale ee kooxda, wuxuuna u sheegay inay iska hilmaamaan inay joogaan Paris oo ay ka soo qaadaan iyaga oo jooga Madrid.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa inay ka soo qaadaan in ciyaartu ay tahay 0-0 isla markaana looga baahanyahay inay weerarka iyo difaaca intabada iska adkeeyaan.

“Hadaba ogaada ciyaartu waa 0-0, iska hilmaama natiijadii kulankii hore, waa inaan u ciyaarnaa si lamid ah anaga oo ku ciyaarayna garoonkeena, waa inaan soo muujinaa shaqsiyadeena” ayuu Ronaldo ku yiri ciyaartoyda Real Madrid.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ronaldo uu si gaar ah ula hadlay Marco Asensio, wuxuuna ka codsaday inuu xooga saaro dhanka difaaca taas oo uu soo muujiyay xiddiga reer Spain intii ay socotay ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close