Ronaldo oo BAXAR ku jira isla markaana la ganaaxi karo kaddib Laad/Darbo uu xalay ku kiciyay….

(Paris) 07 Maarso 2018. Cristiano Ronaldo oo xalay door wayn ka ciyaaray kulankii ay 2-1 ku khaarajiyeen PSG lugta labad ee wareega 16-ka Champions League ayaa Ganaax lagu ridi karaa.

Kabtanka Portugal ayaa xalay Nasiib ku lahaa inuu ka bad baaday Kaarka Cas mar uu darbo ku riday daafaca reer Brazil ee Dani Alves inkastoo aysan si fiican u gaarin.

Ronaldo ayaa gadaal ka darbeeyay xiddigii hore ee Barcelona balse dhacdadaasi ma aysan arkin Garsoorayaasha kulanka.

Yeelkeede, Ronaldo ayaa weli la kulmi kara ganaax ah falkii uu ku kacay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close