Maxamed Faarax oo si xun loo Midab takooray…(Maxaa dhacay???)

(Munich) 07 Maarso 2018. Wiilka Soomaaliyeed ee u tartama England ee Maxamed Faarax ayaa waxaa midab takooray ilaalada garoonka diyaaradaha ee Jarmalka.

Maxamed ee afarta jeer ku guuleystay Ciyaaraha Olypibikada ayaa ka safrayay Munich isagoona ku sii jeeday Itoobiya si uu isugu diyaariyo ordada Maaradoonka ee bisha soo socta lagu qaban doono London.

Orodyahanka Soomaaliyeed ayaa soo dhigay boggiisa Instagram muuqaal iyadoo ay dood dhex mareyso ilaalada garoonka diyaaradaha.

“Wuxuu xarfaanka ii taabanayay si waali ah, midab takoor saafi ah, saafi saafi ah..” Maxamed Faarax ayaa sidaa soo qoray.

Wuxuu cabaar kaddib soo dhigay muuqaal soconaya 47 ilibirqsi isagoona soo raaciyay qoraalk yar oo u dhacayay:

“Waa murugo inaan arko midab takoor maanta iyo da’dan. 2018…!!!!”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close