Inter Milan oo qorshe u dejisey lasoo wareegista Angel Di Maria (Hal shuruud oo ku xiran)

(Milano) 07 Maarso 2018 – Inter Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay rajaynaysaa inay soo qaadan karto laacibka Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria xagaagan – balse hal shuruud ayaa la socota.

Sida ku dhigan Tuttosport, agaasimaha Inter ee Piero Ausilio ayaa isku deyi doona inuu doonto Di Maria waase haddii ay Nerazzurri usoo baxdo Champions League.

Laacibkan reer Argentine ayaa dhaliyay 17 gool, 15 kalena dhigay 43 kulan oo uu fasalkan u saftay PSG, halka uu hal gool iyo hal dhigis ka sameeyay Champions League.

Inter, oo iyadu kasoo degtey figta sare ee Serie A, haatanna 5-aad u dhacday kaddib markii ay Roma soo garaacday Napoli ayaa rajo ka qabta inay boos ka qabsato kaalimaha CL.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close