DEG DEG: Leicester City oo Shaacisay waxa ka RUNTA ah wararkii sheegayay in Mahrez uu ciyaaraha ka fariistay

(England) 07 Maarso 2018. Waxaa dhawaan soo ifbaxay warar aad uga yaabiyay taageerayaasha kubbada cagta adduunka ee sheegaya in Riyad Mahrez uu ciyaaraha isaga fariistay.

Boggiisa Rasmiga ah ee Facebook ayaa lagu soo qoray in kaddib markii uu la tashaday Dakhaatiirtiisa uu go’aansaday inuu ka fogaado kubbada cagta.

Balse Leicester City ayaa iminka laabta u qaboojisay taageerayaasha laacibka Muslimka ah iyagoona xaqiijiyay inaysan waxba ka jirin wararkaasi isla markaana la jabsaday boggiisa Facebook.

Warbixintan ayaa lagu soo qoray Bogga Mahrez:

 A message on Riyad Mahrez's official Facebook account announced his retirement - but it's not clear if the Leicester star was simply hacked

“Kaddib la tashigii ugu dambeeyay aan la yeeshay dhakhaatirteyda waxaan go’aansday inaan isaga fogaado kubbada cagta.

“Maadaama uu soo dhammaaday waqtigeyga sida ciyaaryahan kubbada cagta ah, waxaan jeclaan lahaa inaan iraahdo erayo yar.

“Waxaan doonayaa inaan qofkasta uga mahad celiyo naxariista iyo taageerada ay iigu muujiyeen magaaladan cajiibka ah. Idinma ilaawi doono.”.

Sikastaba, Naadiga lagu naaneyso Foxes ayaa iminka xaqiijisay in boggiisa la jabsaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close